Wax ka ogow xanuunka ay shilinta xoolaha keento ee bili aadamka ku dhaca
Wali ma maqashay xanuun la yiraahdo Lyme disease oo ay keento shilinta xoolaha mana lasocotaa in xanuunka wayadan danbe uu kuso badanayo bili aadamka, si aad wax badan uga ogaadto dhamayso qormadaan.
Xanuunka Lyme disease , waa xanuun mudo dheer so jiray ilaa 5,000 sano balse waxa la iqtixraacay tariikhdu markay ahayd 1975 kolkaso tiro caruur iyo dad wa wayn iskugu jiray lagu arkay xanuunkan, waxaana logu magac daray magalo ku tala maraykanka ee Lyme taso xanuuku ku badnaa .
Xanuunka waa
mid laga qaado qaninyada(bite) shillinta xoolaha tasoo sida jeermis ilma
aragtay ah oo la yiraahdo
Borrelia burgdorferi.
Markay ay ku qaninto
shilintan jermiska sidata waxay jirkaga ku reebaysaa jermiska( bacteria )
xanuuka sida, kasoo calamadihiisu soo muqdan shan cisho kadib.
Calamadihisa waxa ugu caansan, nabaro yaryar oo sida warega oo kle ah oo anan wax xanuun ama cun cun ah wadan, madax-xanuun iyo qandho , qor xanuun iyo daal xaga jirka ah , waxaa sido kle ka mida xanuun murqaha iyo kala goys yada jirka qasatan kuwa jilbaha lugaha.
Hadii xanuunka
sii siyaado wuxu keeni karaa jeex qalal (paralysis) xaga wajiga ah hadii
aan la dawayna wuxuu saba-bi karaa in
wadnaha uu qalqal ku furo shaqadiisa.
Waa laga hor
tagi karaa xanuunka hadii aad la timaado talababoyikan
- 1. Hadii aad boqato badiyaha ka fogow kaymaha geedaha badan iyo dhulka cowska dhaadher ka baxo.
- 2. Marka aad moorada xoolaha galayso xiro kabo dhadheer kuwasoo qarinkara lugahaga dhamantod
- 3. Isticaaal si taxadar leh cayayaa dilaha kana nadiifa xolahaga.
Hadii aad badi la tacaamusho xolaha calamadahana isku argoto booqo xarunta cafimad ee kugu dhaw.
By; Dr. Mohamed Abdi
Great lesson
ReplyDeleteWaaaw masha allah dr aad iyo aad ayaad u mahadsantahay wax badana waan ka faaiday jazakalahu qeyran
DeleteThank you very much for the support assistance service you provided us,
DeleteInshaa Allah will take care and be shared this golden awareness with rest of somali community.
May Allah bless you and keep you safe ever bro .
Mansha allah wax bdn baa no faideysay walkey mohmed abdi allah ku xfdo
ReplyDeleteMsha allah Dr
ReplyDelete