Maxaa kena saxarada adag ( Constipation )


 Boqolkiiba afar iyo toban dhamaan dadka ayaa la dhibtooda in ay calooshoodu ay ahaato mid taagan

ama calool fadhiid qaba,

saxaraduna ay dhibto in ay si fudud banaanka u timaado taas oo ugu danbeyn dhaawacda meesha

saxaradu kasoo baxdo ugu danbeyna sababta xanuunka Baabasiirka loo yaqaano,


CALAAMADAHA CALOOL FADHIIDKA


Calaamadaha lagu garto calool fadhiidka waxaa weeye asbuucii 3 jeer ka yar in aad saxarooto aadna

saxarooto saxaro angagan oo adag ayna aad kuu dhibto marka aad dhigeyso,


MAXAA SABABA CALOOL FADHIIDKA


Waxa ugu badan oo sababa waxa kamid ah in jirkaadu ay biyuhu ka yaraadaan,cunto xumo,

daawooyinka qayb kamid ah oo aad qaadato, xanuunada qayb kamid ah,xanuunada neerfaha ku dhaca

iyo waalida.


SIDEE U SOCODSIIN KARAA CALOOSHA?


Nasiib wanaag cuntooyinka qayb kamid ah ayaa kaa caawinkara in aad calooshaada socodsiiso,


- Tamaandho xabuubta ama Yaanyo mirooleyda adiga oo diirkeeda ku cunaya intaad iska dhaqdo iyada

oo aan la karin in aad cunto waana mida ugu wanaagsan ee caloosha socodsiisa

  1. - Timirta
  2. - Tufaaxa.
  3. - Salarka ama ansalaatada caleenta cagaaran ah.
  4. - Bataatiga macaan.
  5. - Digirta.
  6. - Raqayga cabitaan ahaan u qaso.
  7. - Caanaha geela.
  8. - cuntooyinka dahaarka leh.
  9. - lowska oo aad ku cunto diirka hoose oo gaduudka ah.
  10. - koostada
  11. - Babayga.


In aad biyo badan cabto jimicsi aad sameyso cuntooyinkaan aad badsato iyo mar walba aad dareento in

ay ku hayso saxaro aad horey musqusha ka tagto ayaa door weyn ka qaadanaysa in aad calooshaada

socodsiiso si fudud.


Qof walba cunto gaar ah ayaa socodsiisa calooshiisa waxaa laga yaaba qayb kamid ah cuntooyinkan in

aysan caloosha socodsiin balse mid kamid ah ay socodsiin karto,

Waana muhiim qof walba in uu ogaado nooca cuntada calooshiisa socodsiisa.


Dr Mohamed Abdi

Comments

Popular posts from this blog

Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma