Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma

 

Samaynta caruurta   moraalka dilka la-kulma

Caruurto waa hadiyad qaali oo Ilaahay bixiyo, waxay ubaahan yihiin in la ilaaliyo mooraalka iyo dareenka maskaxdooda. Dadka iyo bey’ada ku xeeran ilmaha ayaa ugeysan kara mooraalkooda dareen ku dhisan dhaawac oo ay la dhibaatoodan. Xasuusta iyo maskax ku haynta ilmuhu waa mid ka badan dadka waaweyn. Dhaawaca soo gaara maskaxdooda ayaa saameyn balaaran ku yeesha koriimahooda iyo la dhaqanka bulshada. Ilaalinta maskaxda ilmaha ayaa ah mid waajib ah maadaama ay saameynteedu aad u darantahay.



Dhaawacaan ayaa noqon kara mid ay sababeen dadyow kala duwan kuwaasoo saameyn ku leh ladhaqanka iyo koriimada ilmaha. Waxaa kamid ah dadka dhaawaca u geysan kara maskaxda iyo mooraalka ilma, waalidiinta, macalimiinta, caruurta kale, burcadda sida xun uga ganacsata caruurta iyo waxyaabaha deegaanka ku xeeran sida isticmaalidda daroogada. Canaanta joogtada iyo hoos udhigada awooda ilmuhu waxay ku keentaa dareen ku xambaarsan shalayto iyo inuu noqdo mid aan lahayn kalsooni ku filan lana nool cabsi joogta ah. Ilmaha la nool waalid aad u dabeecad kulul ama wax kabarta macalin aaminsan dilka iyo canaanta ilmaha, waxuu noqon karaa mid aysan maskaxdiisu u qaangaarin sida caruurta kale ee la filka ah.

Hababka loo dhaawaco mooraalka ilmaha ayaa waxaa kamid ah, cayda, canaanta, dilka, ugu yeeridda magacyada ama naaneysaha uusan jeclayn, markhaati uga dhigida xaalado uusan u adkaysan Karin sida ciqaabta dilka ama dagaaladda. Ilmaha ay kala tageen ama isfureen labadiisa waalid ayaa laga yaabaa in mooraalkiisu ay wax iska badalaan maadaama uusan haysan naxariista labadiisa waalid oo wada jirta.

Cilmi baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in kabadan 80 million oo caruur ah loo geysto dhaawaca mooraalka sanad walba meelo kala duwan oo kamid ah dunida.

Astaamaha ay dareemaan caruurta loo geysto dhaawaca mooraalka ayaa waxaa kamid ah, inay noqdaan kuwo ka cabsada sheegida waxa ay u baahanyihiin, nebcaanshaha magacyada ama naanaysaha loogu yeero, isla hadal joogta ah, fakar, cuqdad iyo dabeecad xummo.

Mooraalka oo la dhaawaco ayaa ugu danbeyn keenaya inuu ilmuhu noqdo mid aysan hagaagsanayn waxbarashadiisa.

Hadaba silo yareeyo ama loo joojiyo dhaawicida moraalka ilmaha waxaa lagama mar maan ah in Waalidiinta ayaa noqdaan kuwa caruurtoda la sheekaysata  ama mararka qaarkood ay u sheegaan wax qoyska dantiisa ah si ay  ra’yigooda ugu dhibtaan  xataa hadii aysan waxaasi jirin, tan ayaa siyaadin karta xal uhelida maskaxdiisa mashaakilo fara badan. Dardaaran iyo tallada ay ilmaha siiyaan macalimiintisa iyo dadka ka waaweyn ayaa ah mid wax weyn kusiyaadisa fakiradooda iyo hiigsigooda nolosha.

Mohamed Abdi

Comments

  1. Top topic with clear details about our beautiful flowers( Our Children 👨‍👩‍👧‍👦 )

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Maxaa kena saxarada adag ( Constipation )