Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma
Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma
Caruurto
waa hadiyad qaali oo Ilaahay bixiyo, waxay ubaahan yihiin in la ilaaliyo mooraalka
iyo dareenka maskaxdooda. Dadka iyo bey’ada ku xeeran ilmaha ayaa ugeysan kara
mooraalkooda dareen ku dhisan dhaawac oo ay la dhibaatoodan. Xasuusta iyo
maskax ku haynta ilmuhu waa mid ka badan dadka waaweyn. Dhaawaca soo gaara
maskaxdooda ayaa saameyn balaaran ku yeesha koriimahooda iyo la dhaqanka
bulshada. Ilaalinta maskaxda ilmaha ayaa ah mid waajib ah maadaama ay
saameynteedu aad u darantahay.
Dhaawacaan ayaa noqon kara mid ay sababeen dadyow kala duwan kuwaasoo saameyn ku leh ladhaqanka iyo koriimada ilmaha. Waxaa kamid ah dadka dhaawaca u geysan kara maskaxda iyo mooraalka ilma, waalidiinta, macalimiinta, caruurta kale, burcadda sida xun uga ganacsata caruurta iyo waxyaabaha deegaanka ku xeeran sida isticmaalidda daroogada. Canaanta joogtada iyo hoos udhigada awooda ilmuhu waxay ku keentaa dareen ku xambaarsan shalayto iyo inuu noqdo mid aan lahayn kalsooni ku filan lana nool cabsi joogta ah. Ilmaha la nool waalid aad u dabeecad kulul ama wax kabarta macalin aaminsan dilka iyo canaanta ilmaha, waxuu noqon karaa mid aysan maskaxdiisu u qaangaarin sida caruurta kale ee la filka ah.
Hababka
loo dhaawaco mooraalka ilmaha ayaa waxaa kamid ah, cayda, canaanta, dilka, ugu yeeridda
magacyada ama naaneysaha uusan jeclayn, markhaati uga dhigida xaalado uusan u
adkaysan Karin sida ciqaabta dilka ama dagaaladda. Ilmaha ay kala tageen ama
isfureen labadiisa waalid ayaa laga yaabaa in mooraalkiisu ay wax iska badalaan
maadaama uusan haysan naxariista labadiisa waalid oo wada jirta.
Cilmi
baaris la sameeyey ayaa lagu ogaaday in kabadan 80 million oo caruur ah loo
geysto dhaawaca mooraalka sanad walba meelo kala duwan oo kamid ah dunida.
Astaamaha
ay dareemaan caruurta loo geysto dhaawaca mooraalka ayaa waxaa kamid ah, inay
noqdaan kuwo ka cabsada sheegida waxa ay u baahanyihiin, nebcaanshaha
magacyada ama naanaysaha loogu yeero, isla hadal joogta ah, fakar, cuqdad iyo
dabeecad xummo.
Mooraalka oo la dhaawaco ayaa ugu danbeyn keenaya inuu ilmuhu
noqdo mid aysan hagaagsanayn waxbarashadiisa.
Hadaba silo yareeyo ama loo joojiyo dhaawicida moraalka ilmaha waxaa lagama mar maan ah in Waalidiinta ayaa noqdaan kuwa caruurtoda la sheekaysata ama mararka qaarkood ay u sheegaan wax qoyska dantiisa ah si ay ra’yigooda ugu dhibtaan xataa hadii aysan waxaasi jirin, tan ayaa siyaadin karta xal uhelida maskaxdiisa mashaakilo fara badan. Dardaaran iyo tallada ay ilmaha siiyaan macalimiintisa iyo dadka ka waaweyn ayaa ah mid wax weyn kusiyaadisa fakiradooda iyo hiigsigooda nolosha.
Mohamed Abdi
Thanks dr
ReplyDeleteTop topic with clear details about our beautiful flowers( Our Children 👨👩👧👦 )
ReplyDelete