Posts

Daraasad shaaca ka qaday wax yabaha hoos u dhiga awoodda raganimada

Image
Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada. Cilmi baaristan, oo lagu daabacay Majalladda "Environment International", ayaa lagu baaray ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi'iyaha sida wayn loo isticmaalo ee paracetamol-ka. Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto. Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada. Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista ...

Maxaa kena saxarada adag ( Constipation )

Image
 Boqolkiiba afar iyo toban dhamaan dadka ayaa la dhibtooda in ay calooshoodu ay ahaato mid taagan ama calool fadhiid qaba, saxaraduna ay dhibto in ay si fudud banaanka u timaado taas oo ugu danbeyn dhaawacda meesha saxaradu kasoo baxdo ugu danbeyna sababta xanuunka Baabasiirka loo yaqaano, CALAAMADAHA CALOOL FADHIIDKA Calaamadaha lagu garto calool fadhiidka waxaa weeye asbuucii 3 jeer ka yar in aad saxarooto aadna saxarooto saxaro angagan oo adag ayna aad kuu dhibto marka aad dhigeyso, MAXAA SABABA CALOOL FADHIIDKA Waxa ugu badan oo sababa waxa kamid ah in jirkaadu ay biyuhu ka yaraadaan,cunto xumo, daawooyinka qayb kamid ah oo aad qaadato, xanuunada qayb kamid ah,xanuunada neerfaha ku dhaca iyo waalida. SIDEE U SOCODSIIN KARAA CALOOSHA? Nasiib wanaag cuntooyinka qayb kamid ah ayaa kaa caawinkara in aad calooshaada socodsiiso, - Tamaandho xabuubta ama Yaanyo mirooleyda adiga oo diirkeeda ku cunaya intaad iska dhaqdo iyada oo aan la karin in aad cunto waana mida ugu wanaagsan ee cal...

Wax ka ogow xanuunka ay shilinta xoolaha keento ee bili aadamka ku dhaca

Image
Wali ma maqashay xanuun la yiraahdo Lyme disease oo ay keento shilinta xoolaha mana lasocotaa in xanuunka wayadan danbe uu kuso badanayo bili aadamka, si aad wax badan uga ogaadto dhamayso qormadaan. Xanuunka Lyme disease  , waa xanuun mudo dheer so jiray ilaa  5,000 sano balse waxa la iqtixraacay tariikhdu markay ahayd 1975 kolkaso tiro caruur iyo dad wa wayn iskugu jiray lagu arkay xanuunkan, waxaana logu magac daray magalo ku tala maraykanka ee  Lyme  taso xanuuku ku badnaa . Xanuunka waa mid laga qaado qaninyada(bite) shillinta xoolaha tasoo sida jeermis ilma aragtay ah oo la yiraahdo Borrelia burgdorferi . Markay ay ku qaninto shilintan jermiska sidata waxay jirkaga ku reebaysaa jermiska( bacteria ) xanuuka sida, kasoo calamadihiisu soo muqdan shan cisho kadib. Calamadihisa waxa ugu caansan, nabaro yaryar oo sida warega oo kle ah oo anan  wax xanuun ama cun cun ah  wadan , madax-xanuun iyo qandho , qor xanuun iyo daal xaga jirka ah , waxaa s...

Calaamadaha ugu horeya ee digninta ah noca cusub ee corona virus(Omicron)

Image
  Calaamadaha ugu horeya ee digninta ah noca cusub ee corona virus( Omicron)   Ayadoo aduunku ladaala dhacaayo wali xakamaynta iyo xal uhelida caabuqa corona virus ayaa   dhawaan waxa soo shaac baxay Nooc cusub oo corona virus ah, kaso loo yaqano Omicron wuxu na lee yahay calaamado ka duwan kuwii hore Calaamadihii hore ee cobuqa COVID 19  ayaa ahaa , qandho, qufac , dhadhanka iyo carafta oo lunta.   Balse nooca cusub ayaa la ogaaday inuu keenayo calamado ka duwan kuwii hore, Kuwaas oo ka mid ah , jir xanun iyo daal , dhun xanuun,Lalabo(Yalalugo) iyo sanka oo diif ka yimado.   Waxayna wasaarada caafimadka ee dowladda federaalka somaliya ka soo saartay hab raac rasmi ah ee looga hortago laguna xakamaynaayo caabuqan Covid 19( Omicron Variant ) si bulshada looga badbaadiyo khatarta fayraska dilaaaga ah, waxayna wasaaarada caafimadka fartay in la raaco tallabooyinka caalamiga ah ee ka hortaga iyo xakamayta caabuqa COVID19.   Hadaba waxaa mu...

Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma

Image
  Samaynta caruurta     moraalka dilka la-kulma Caruurto waa hadiyad qaali oo Ilaahay bixiyo, waxay ubaahan yihiin in la ilaaliyo mooraalka iyo dareenka maskaxdooda. Dadka iyo bey’ada ku xeeran ilmaha ayaa ugeysan kara mooraalkooda dareen ku dhisan dhaawac oo ay la dhibaatoodan. Xasuusta iyo maskax ku haynta ilmuhu waa mid ka badan dadka waaweyn. Dhaawaca soo gaara maskaxdooda ayaa saameyn balaaran ku yeesha koriimahooda iyo la dhaqanka bulshada. Ilaalinta maskaxda ilmaha ayaa ah mid waajib ah maadaama ay saameynteedu aad u darantahay. Dhaawacaan ayaa noqon kara mid ay sababeen dadyow kala duwan kuwaasoo saameyn ku leh ladhaqanka iyo koriimada ilmaha. Waxaa kamid ah dadka dhaawaca u geysan kara maskaxda iyo mooraalka ilma, waalidiinta, macalimiinta, caruurta kale, burcadda sida xun uga ganacsata caruurta iyo waxyaabaha deegaanka ku xeeran sida isticmaalidda daroogada. Canaanta joogtada iyo hoos udhigada awooda ilmuhu waxay ku keentaa dareen ku xambaarsan shalayto iyo in...