Posts

Showing posts from June, 2022

Daraasad shaaca ka qaday wax yabaha hoos u dhiga awoodda raganimada

Image
Daraasad cusub oo shaaca laga qaaday ayaa lagu sheegay in kiimikooyin dhowr ah oo soo gala jirkeenna, sida maaddada bisphenol A (BPA) iyo sunta dioxin, kuwaasoo ku jira waxyaabaha aan sida joogtada ah u isticmaalno, ay sababaan inay hoos u dhacdo tayada awoodda raganimada. Cilmi baaristan, oo lagu daabacay Majalladda "Environment International", ayaa lagu baaray ilaa 9 kiimiko oo sidoo kale uu ka mid yahay xanuun baabi'iyaha sida wayn loo isticmaalo ee paracetamol-ka. Waxaa kale oo kiimikooyinkan ku jira maaddada phthalate ee loo adeegsado jilcinta waxyaabaha ay ka mid yihiin caagagga biyaha lagu shubto. Khubarada ayaa sheegay in isku darka kiimikooyinka ay ka kooban yihiin walxahan ay saamayn ku yeeshaan habka ay u shaqeeyaan unugyada taranka ragga ayna yareeyaan awoodda shahwada. Daraassaddan, oo markii la sameynayay la isticmaalay kaadi laga qaaday 98 nin oo ay da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 30 sano oo ku nool dalka Denmark, ayaa lagu ogaaday in kiimikada ugu halista ...

Maxaa kena saxarada adag ( Constipation )

Image
 Boqolkiiba afar iyo toban dhamaan dadka ayaa la dhibtooda in ay calooshoodu ay ahaato mid taagan ama calool fadhiid qaba, saxaraduna ay dhibto in ay si fudud banaanka u timaado taas oo ugu danbeyn dhaawacda meesha saxaradu kasoo baxdo ugu danbeyna sababta xanuunka Baabasiirka loo yaqaano, CALAAMADAHA CALOOL FADHIIDKA Calaamadaha lagu garto calool fadhiidka waxaa weeye asbuucii 3 jeer ka yar in aad saxarooto aadna saxarooto saxaro angagan oo adag ayna aad kuu dhibto marka aad dhigeyso, MAXAA SABABA CALOOL FADHIIDKA Waxa ugu badan oo sababa waxa kamid ah in jirkaadu ay biyuhu ka yaraadaan,cunto xumo, daawooyinka qayb kamid ah oo aad qaadato, xanuunada qayb kamid ah,xanuunada neerfaha ku dhaca iyo waalida. SIDEE U SOCODSIIN KARAA CALOOSHA? Nasiib wanaag cuntooyinka qayb kamid ah ayaa kaa caawinkara in aad calooshaada socodsiiso, - Tamaandho xabuubta ama Yaanyo mirooleyda adiga oo diirkeeda ku cunaya intaad iska dhaqdo iyada oo aan la karin in aad cunto waana mida ugu wanaagsan ee cal...