Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma
Samaynta caruurta moraalka dilka la-kulma Caruurto waa hadiyad qaali oo Ilaahay bixiyo, waxay ubaahan yihiin in la ilaaliyo mooraalka iyo dareenka maskaxdooda. Dadka iyo bey’ada ku xeeran ilmaha ayaa ugeysan kara mooraalkooda dareen ku dhisan dhaawac oo ay la dhibaatoodan. Xasuusta iyo maskax ku haynta ilmuhu waa mid ka badan dadka waaweyn. Dhaawaca soo gaara maskaxdooda ayaa saameyn balaaran ku yeesha koriimahooda iyo la dhaqanka bulshada. Ilaalinta maskaxda ilmaha ayaa ah mid waajib ah maadaama ay saameynteedu aad u darantahay. Dhaawacaan ayaa noqon kara mid ay sababeen dadyow kala duwan kuwaasoo saameyn ku leh ladhaqanka iyo koriimada ilmaha. Waxaa kamid ah dadka dhaawaca u geysan kara maskaxda iyo mooraalka ilma, waalidiinta, macalimiinta, caruurta kale, burcadda sida xun uga ganacsata caruurta iyo waxyaabaha deegaanka ku xeeran sida isticmaalidda daroogada. Canaanta joogtada iyo hoos udhigada awooda ilmuhu waxay ku keentaa dareen ku xambaarsan shalayto iyo in...